Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo tan Racfaanka (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Mudane Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DAAWO TOOS: Shirka deg dega ah ee Madaxda dalalka IGAD oo ka socda Kampala

Caydiid Ali

Gaadiid Dagaal ay lahaayeen Ciidamada Afganistan oo lagu arkay gudaha Iran (Sawirro)

Cabdi Cade

Coronavirus oo gaaray 50-ka gobol ee Maraykanka & dadka u dhintay oo sii kordhay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---