Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyada qaraxyadii iyo weerarkii ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada oo la sheegtay

Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay masuuliyada qaraxyo xoogan iyo weerar toos ah oo goordhaw ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya .

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahano katirsan kooxdooda ay ka dambeeyeen weerarka, waxaana Warka Al Shabaab lagu sheegay in dagaalyahano kooxdooda katirsan in ay howlgal ka wadaan meel ku dhaw Madaxtooyada.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha dowlada  ee kuyaal Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyad,  howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab wali ma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo weerarka dagaalyahano katirsan kooxdooda goordhaw ka geesteen meel ku dhaw xarunta Madaxooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay amniga Xeraale & xiisada udhaxaysa Dowladaha iraan UK, iyo USA oo meel xun gaartay !!

admin

Xasan Cai Khayre oo si xooggan u cambaareyay heshiiskii Muuse Biixi & Abiye Axmed !!

admin

Qof shacab ah oo goor dhow si bareer ah loogu dilay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---