Coronavirus oo gaaray 50-ka gobol ee Maraykanka & dadka u dhintay oo sii kordhay

Coronavirus ayaa gaaray dhammaan 50-ka gobol uu dalka Mareykanku ka kooban yahay, iyadoo gobolka West Vergina oo ahaa gobolkii ugu dambeeyey laga helay kiiskii ugu horreeyey.

Magaalada New York waxaa la saaray xayiraad la mid ah midda saaran San Francisco.
Bill de Blasio oo ah duqa magaalada New York ayaa sheeegay in la go’aamiyey iney guriyahooda ka soo bixin muddo laba maamood ah shacabka magaalada ku nool ee lagu qayaso 8.7 milyan oo qof.

Waxaa uu sheegay in shacabka loo oggol yahay iney u bixi karaan soo iibsashada waxayaabaha nolashooda daruuriga u ah ee ay suuqa uga baahdaan.

“Waa go’aan aad iyo aad u adag, Weligeen waxaan oo kale maanan maqal taariikhdii ay New york jirtay.” ” ayuu yiri Mr de Blasio.

Dalka Mareykanka ilaa iyo iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa laga helay 6,000 kun oo kiis oo cudurka Coronavirus iyadoo ay dhimashaduna gaartay 105 qof, waxaana laga cabsi qabaa inuu faafo, inkastoo dowlada Maraykanku qaaday talaabooyin looga hortagayo faafida cudurkan.

Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waxaa lagu qayaasaa 200,000 oo kun, waxaana u dhintay 8,000 oo dhimasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -