Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Ammaanka iyo Maaliyadda danna u ah bulshada

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka oo sanad kasta loo dabaaldego (05-ta Bisha June), taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta deegaanka adduunka , ayaa faray Masuuliyiinta Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Hay’adaha ay khuseyso in laga billaabo maanta aan wax Bac ah laga soo dejin karin Puntland, Kuwa lagu soo geliyo kotorobaankana laga hortago, sii loo illaaliyo deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa Munaasabadda la wadaagay dadaalka ay Wasaaradu ku bixisay Illaalinta deegaanka iyo dhireynta, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Guud ahaanba Dowladda muhiimada la siinayo arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

Hal ku dhiga xuska illaalinta deegaanka ayaa sanadkan laga dhigay “Dib u soo nooleynta Dhulka, la-dagaalanka saxaraha iyo u adkeysiga Abaaraha”. Waxaana ka qeyb-galay munaasabadda Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha ay wadashaqeeyaan, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Laamaha Amniga , La-taliyeyaal , Waxgarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

 

Related posts

Diyaarad Dagaal oo lagu qiimeeyay lacag dhan 36-Milyan Dollar oo bur burtay

Cabdi Cade

La taliyihii Madaxweyne Trump ee arrimaha ololaha doorashada oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Ciidanka Jubbaland oo hub iyo saanad milatari ka helay Raaskanbooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---