Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku qabtay dad lagu tuhmayo qarax lagu dilay sargaal ciidan

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgalo gaar ah waxa ay ka sameeyeen xaafado katirsan waaxda Kurdamac ee degmada Dayniile, halkaas oo shalay ka dhacay qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta howlgalka socday ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro badan oo qaarkood markii dambe lasii daayay, waxaana ciidamada horey u wateen dhoor qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay Laamiga Dayniile.

Qaraxa shalay ka dhacay agagaarka aargada Dayniile waxaa ku dhintay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabayay Col Salaad Isaaq Axmed iyo mid kamid ah ilaaladiisa halka labo qof shacab ah ku dhaawacmeen.

Taliyaha Saldhiga qeybta Galbeed ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Kheyre (Ganeey) oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in la qabtay rag lagu tuhmayo qaraxa , waxa uuna xusay in baaritaano lagu sameyn doono. raga la tuhmayo.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale inta ay howlgalka wadeen waxa ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya sida xashiikhka iyo calaqa iyo dadkii iibinayay qaarkood, kuwaa oo iyana xabsiga loo gudbiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -