Madaxweyne Xasaan Sheekh oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo Qaban qaabo socota

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo labadii maalin ee lasoo dhaafay safar ku joogay magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Wefdi horu dhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo magaalada Dhuusomareeb ayaa shalay gaaray magaaladaasi, waxa ayna wafdiga sii diyaarinayaan soo dhaweynta Madaxweynaha.

Ammaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana socota diyaarinta dad loogu tala galay in si heer sare Madaxweynaha ugu soo dhaweeyaan magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusomareeb kula kulmi doona Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Safarkan uu ku tagayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya magaalada Dhuusomareeb ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii dib loogu doortay madaxweynaha, waxa uuna u kuur galaya xaaladaha kala duwan ee ka jira maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -