Ciidamada amaanka oo howlgalo balaaran ka sameeyay xaafado katirsan Muqdisho

Ciidamada amaanka ayaa wali magaalada Muqdisho kawada howlgalo balaaran oo lagu baarayo xaafadaha qaar , waxa ayna ciidamada amaanka ay xir xireen dad lagu tuhmayo falal amaanka lidi ku ah.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada booliiska ayaa xalay howlgalo baaritaano adag ah waxa ay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Dharkeenley, waxa ayna ciidamada baarayeen guryaha kuyaala xaafadaha ay howlgalka ka sameeyeen.

Ciidamada ayaa intii baaritaanada wadeen waxa ay meel isugu geeyeen dhalinyaro badan oo laga soo qabtay xaafadaha howlgalka ka socday, ciidamada ayaana markii dambe sii daateen inta badan dhalinyaradii ay soo qabteen.

Howlgalada baaritaanada ay sameenayaan ciidamada amaanka ayaa si xowli ah uga socda qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho, waxa ayna ciidamada intii howlgalada socdeen xireen dad ay ku tuhmayaan in ay qeyb ka yihiin falalka amaan daro ee magaalada ka jira.

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa shaaciyay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada ka sameeyeen qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir lagu soo qab qabtay dad ka badan 70-qof oo la tuhmayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -