Sawirro: Laba Wasiir oo Muslin ah oo markii ugu horraysay ka mid noqday golaha wasiirada dalka ….

Dalka Australia dhawwaan waxaa ka dhacday doorasho guul weyn ka gaareen Xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi, waxaana doorashada kadib lagu dhawaaqay golaha cusub ee wasiiradda oo markii ugu horeesay kamid noqdeen dad muslimiin ah.

Golaha cusub ee wasiirada ee dalka Australia ee la magacaabay lana dhaariyay waxaa kamid noqday labo xubnood oo muslimiin ah, waxaana wasiiradan lagu dhaariyay kitaabka Quraanka Kariimka .

Annie Ali ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyarada,  halka wasiirka wasaaradda warshadaha ee Australia loo magacaabay Ed Husik , labadan wasiir ayaana noqday taariikhda kuwii ugu horeeyay oo muslim ah oo kamid noqda xukuumada Australia.

Gabadha asal ahaan kasoo jeeda dalka Masar ee Annie Aly ayaa noqotay wasiiraddii ugu horreysay ee Muslim ah ee dowladda Australia ee ku dhaariso Kitaabka Qur’aanka, waxa ayna gabadhan kahor siyaasada aheyd bare sare .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -