Maxay ka wada hadlen Madaxweyne Xassan Shiikh iyo taliyaha AFRICOM?

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka hadlay kulan magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha ciidankaas Generaal Stephen Townsend.

Kulanka labada masuul waxaa ku wehliyey danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Generaal Stephen Townsend ayaa ka wada wada-hadlay wada-shaqeynta AFRICOM iyo gacan siinta Ciidamada Xooga dalka.

General Stephen ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shacabka Soomaaliyeed, jawiga wanaagsan ee ay kusoo dhamaatay doorashada.

“21-kii Maajo General Stephen Townsend ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Hassan Shiikh Mohamud iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaadeen doorashada Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii AFRICOM ay ula shaqeyn lahayd ciidanka XDS  si loo gaaro mustaqbal nabad iyo ammaan ah oo ay mudan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay AFRICOM.

Maadaxweyne Biden ayaa dhowaan saxiixay amar Somalia loogu soo celinayo ciidamadii Mareykanka ee laga saaray bilowgii sanadkan si loo soo celiyo howlgaladii iyo duqeymihii ka dhanka ahaa Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -