Allbanaadir.com
NEWS

Xeradii ciidamada Hiilweyne oo dib loo howlgelinayo iyo Wasiiro & taliyeyaal kormeeray (Daawo Sawirro)

Guddiga qiimeynta xeryaha Ciidanka xoogga dalka oo uu madax u yahay wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), ayna Xubno ka yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta, Booliska, Xoogga dalka iyo Taliye ku xiggeenka Hay’adda NISA, ayaa maanta kormeeray Dugsiga tababarka ciidamada ee Hiilweyne oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, kaasoo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo tayada Ciidanka xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa la kulmay saraakiisha, iyaggoo ka xog wareystay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka ka howlgala degaanada Balcad hoos yimaada.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod oo la hadlayay ciidanka, ayaa u sheegay in ciidanka xoogga dalka dib u habeyn lagu sameyn doono.

Wasiika Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa isna sheegay in baahida jirta wax laga qaban doono, isla markaana ciidanka looga baahan yahay inay waajibkooda gutaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Askari dab qabadsiiyey Markabka dagaalka USS Bonhomme oo dacwad lagu soo oogay

Caydiid Ali

Caasimada Kyiv oo xalay marti gelisay duqeyn culus & Wararkii u dambeeyey Ukrine (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqolaal Muhaajiriin ah oo kusii jeeday Dal Yrub katirsan oo Nolol iyo Geeri lagu layahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---