Allbanaadir.com
NEWS

Magaca & Qabiilka mid ka mid ah raggii isku qarxiyey Otto otto oo la shaaciyey (Akhriso)

Al-Shabaab ayaa warbaahinta taageerta waxay ku shaacisay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeedo dagaalyahan kooxdaas ka tirsanaa oo maalmo ka hor isku qarxiyey xarunta gurmadka booliska ee Otto otto ee magaalada Muqdisho.

.Xaruntaas ayaa waxaa sidoo kale degenaa Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amaanka ee xukuumada Somalia.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha codka al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu fuliyey dagaalyahan lagu magacaabi jiray Cali Ibraahim Macalim kaasoo ahaa nin 31 sano jir ah ka dhashay beesha Hadame ee degta gobolada bay iyo Bakool.

Al-shabaab ayaa sidoo kale baahisay cod laga duubay ninkan weerarka ka hor kaasoo uu ku sheegayo inuu naftiisa u hurayo wax uu ugu yeeray dabar goynta cadowga ALLE sida uu yiri.

Saraakiisha al-shabaab ayaa sheegay in qaraxaas oo lagu fuliyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey  ay ku dileen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada.

Ugu yaraan 14 qof oo isugu jiray askarm, shaqaale dowladeed iyo shacab kale ayaa ku naf waayey qaraxaas iyo weerar toos ah oo lagu galay xaruntaas, waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Senator Jeff Merkely (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa sababay in Shaqaalaha Gobalka Banaadir Saddex bilood aysan helin wax Mushahar ah ?!!

admin

Nin ku Dhax Islaamay Xabsi kuyaala dalka Mareykanka oo Cirbad lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---