(Akhriso) DF oo shaacisay xiliga la galayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, Maamulayaasha iyo dhammaan bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.

Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda.

F.G: Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka sanadkan waxaa loo diyaarinayaa aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin kama qayb-geli doono imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -