Xaalad adag oo ka taagan helitaanka Baasaboorka dalka Sweden ka dib markii..

Booliska Sweden ayaa kordhiyey waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga baasaboorka si loo xalliyo dhibaatada waqtiyada dheer ee la sugayo ka dib markii cilad farsamo ay soo food saartay shirkadda daabacaadda baasaboorka.

Sarkaalka qaabilsan Baasaboorka ee booliiska, Per Engstrom ayaa sheegay waqtiga la sugo baasaboorka uu yahay  20 maalmood balse xaalada hadda soo korortay ay awgeed mudadaas ay labo jibaarmi karto.

Engstrom ayaa ugu baaqay dadka socotada ah in ay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka halkii ay ka qaadan lahaayeen baasaboorka, maadaama uu sharci yahay in lagu safro gudaha Midowga Yurub

Shirkada Baasaboorka ku daabacda dalka Finland ayaa waxaa soo wajahday cilad farsamo oo soo wajahday mid ka mid ah mashiinada daabacaada.

Shirkadan ayaa qandaraas kula gashay dalal badan oo Yurub ah iney u daabacdo baasaboorka. Wadamada qaar ayaa sidoo kale la ildaran waqtiyada la sugitaan dheer taasoo ay sabab u tahay baahida badan ee safarka kadib masiibada Corona.

“Waxaan helnay dammaanad ah in wax soo saarku diyaar noqon doono usbuuca soo socda,” ayuu yiri Engstrom.

Wafti ka socda booliska dalka Sweden ayaa todobaadkan booqasho ku tagay xarunta shirkadaasi ee ku taal dalka Finland si ay faahfaahin uga helaan ciladda jirta.

Dhanka kale, booliisku waxay rumeysan yihiin in waqtiyada dheer ee sugitaanka ballanta lagu cusboonaysiinayo baasaboorka ay yaraan doonaan labada toddobaad ee soo socda.

“Waxaan si weyn u soo gaabinnay safafka dhowr toddobaad, waxaana aragnaa in xaaladdu ay ka fiicnaan doonto labada toddobaad ee soo socda,” ayuu yiri Engstrom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -