Taliye horey u soo Maamulay xabsiga Jeel Ogaaden oo loo Magacaabay xil culus

Waxaa xil sare loo magacaabay Taliyihii maamulayay xabsiga Jeel Ogaadeen, xilligii uu Cabdi Maxamuud Cumar  Madaxweynaha ka ahaa Dowlad Deegaanka Soomaalida  Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Cumar ayaa taliyaha dugsiga tababarka ee Garab Case. u magacaabay Col. Caysane Sheekh Maxamed oo madax ka ahaa xabsiyada dowlad degaanka.

Mudadii uu madaxda ka ahaa xabsiga Jeel Ogaadeen, ayaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegen in maxaabiis badan loo geystay tacaddiyo daran.

Col. Caysane ayaa sheegay in xiligii uu madaxda ka ahaa xabsiga uu aad ugu ololeyn jiray sidii wax looga qaban lahaa nolosha maxaabiista.

Waxaa uu intaas ku daray inuu aad ugu dedaalay sidii wax looga qaban lahaa noloshada daryeel xumada ee ay ku sugnaayeen maxaabiista, wuxuuna xusay in dhibaatada xabsiga ka jirta uu ku wargeliyay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya laanteeda Jigjiga oo uu uga warramay dhibaatadii ka taagneyd halkaas.

“Anigaa u tegay hay’adda xuquuqul insaanka oo ku iri dhibaatadaas ayaa halkaas ka jirta”, ayuu raaciyay Caysane oo intaa ku daray in Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka uu wax badan kala hadlay hagaajinta xaalada xabsiga iyo daryeelka Maxaabiista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -