Ruushka oo Tallaabo degdeg ah ka qaaday dowladda Finland oo codsatay in NATO ku biirto

Dowladaha Finland iyo Sweden ayaa ka codsaday gaashaanbuurta NATO in ay xubin ka noqdaan , waxaana codsigan yahay wali mid aysan si rasmi ah u aqbalin dowladaha ku midoobay NATO.

Ruushka ayaa si weyn uga soo horjeeday in dalalka dariska la ah in ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana duullaanka Ruushka ku qaaday Ukraine salka ku hayay rabitaankooda ku aadan in ay ku biiraan NATO.

Xukuumadda Moscow oo ka careesan rabitaanka Finland ee ku aadan in ay ku biirto NATO ayaa durba qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu ciqaabayo dalkaasi, waxaana Ruushka gaaskii ay ka iibin jireen Finland ka jareen iyaga oo jawaab uga dhigaya .

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka ayaa horay u sheegtay in dowladda  Finland haddii ay ku biirta NATO ay yeelan doonto cawaaqib daran oo ciidan iyo mid siyaasadeedba.

Ruushka ayaana la filayaa in ay qaadaan tallaabooyin kale oo ka dhan ah dowladaha Sweden iyo Finland ee doonaya in ay xubin ka noqdaan gaashaanbuurta NATO, waxaana tallaabooyinka Ruushka qadao lacaga cabsi qabaa in uu abuuro xaalado halis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -