Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo Weerar xeyladeesan ku dishay askar badan oo katirsan ciidanka Dowladda

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay maqribkii weerar xeeladeesan waxa ay ku qaadeen bar koontarool oo kuyaalla degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay joogeen ciidamo katirsan dowladda.

Raga hubeesan ee katirsan Al Shabaab ayaa soo raacay gaari caadi ah iyaga oo shacab iska dhigayay, waxaana markii ay soo gaareen koontaroolka iyaga oon la dareemin lasoo baxeen hubkooda kadibna rasaas ku bilaabay ciidankii goobtaasi joogay.

Inta la xaqiijiyay lix askari oo katirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhintay weerarka ka dhacay koontaroolka laga ilaaliyo degmada Balcad, waxaana goobtaasi isaga dhaqaaqay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka geestay.

Degmada Balcad ayaa si weyn maanta looga hadal hayaa weerarkan lagu dilay askarta badan ee ka dhacay barta koontarool, waxaana ciidamada koontaroolkaasi joogay la tilmaamay in aysan feejigneen markii weerarka la kulmayeen.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliso degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana maalmo kahor qarax miino oo khasaaro geestay uu ka dhacay gudaha maqaayad kutaalla Balcad .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia oo la kulmay Dr. Saâd-Eddine El Othmani (Sawirro)

Caydiid Ali

Saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq oo la weeraray

Cabdi Cade

Dib u dhac ku yimid caleemo saarka Madaxda Galmudug & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---