Musharaxiin u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo Isbaheysi sameestay

Sadex kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug oo galabta Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa shaaciyay in ay sameesteen isbaheysi.

Musharaxiinta isbaheysiga siyaasadeed kaga dhawaaqay magaalasa Dhuusomareeb ayaa kala ah C/raxmaan Odawaa , Kamaal Dahir Guutaale  iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka.

Labo kamid ah Musharaxiinta isbaheysiga ku dhawaaqay ayaa katirsan Xisbiyada Mucaarada ee UDP iyo Xisbiga Wadajir halka Musharaxa sadexaadna uu katirsanaa xukuumada Nabad iyo nolol.

Sida aan wararka ku helnay Musharaxiinta isbaheysiga sameestay ayaa ku heshiiyay in doorashada musharaxii ugu cod bataa ugu shubaan, waxa ayna Musharaxiinta dadaal ku bixinayaan in doorashada midkood uu ku guuleesto.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ah mid xiiso gaar ah leh, waxaana doorashadan ku tartamaya Siyaasiyiin muxaafid ah iyo kuwa mucaarad ah, waxaana la saadaalinayaa in ay guuleesan doonaan Musharaxiinta muxaafidka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -