Taliye Ibraahim Cismaan Tifoow oo maanta la wareegay xilkii loo magacaabay (Sawirro)

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday munaasabad balaaran uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee milatariga Soomaaliya qeybta 60-aad .

Gaashanle Sare Ibraahim Cismaan Maxamed (Tifow) oo dhawwaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa maanta si rasmi ah xilka taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad  Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi.

Munaasabada xil wareejinta ka dhacdey Xarunta Taliska qeybta 60aad ee Magaalada Baydhabo waxana ka soo qayb galay Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka xoogga Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Taliyihii hore ee ciidanka milatariga qeybta 60-aad ee maanta xilka wareejiyay Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullah Ciirow ayaa kamid noqday xildhibaanada gollaha shacabka ee lagu doortay magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -