Siyaasiyiin badan oo raadinaya xilka Ra’isul Wasaaraha iyo Xasan Sheekh oo go’aan laga sugayo

Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda beesha Daarood ayna ku jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa baadigoob ugu jira helida xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya xukuumadda cusub ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya oon wali la wareegin xilka kuna shaqo bilaabin xafiiskiisa rasmiga ah ayaa waxaa dalabyo badan soo gaarsiinaya xubno siyaasiyiin ah oo mid kasta uu ka codsanayo in Ra’isul Wasaare ka dhigo.

Siyaasiyiinta dooneysa xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u badan kuwa kasoo jeeda beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen, kuwaa oo mid kastaahi wado dedaalo uu ku doonayo in xilkaasi loogu magacaabo.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in magacaabista Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu tallo badan ku yeelan doono Madaxweynaha Puntland Siciid Deni maadaama horey Xasan Sheekh heshiis u galeen uguna shubay codadkii uu kusoo baxay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa wararka qaar sheegayaan in naftiisa uu ku jiro damac la xariira in laga dhigo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya halka warar kalana sheegayaan in suurto gal tahay in uu keeno shaqsi uu isagu wato.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga sugayaa go’aan kama dambeys ah marka uu xilka la wareego in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare ay wada shaqeyn karaan sidoo kale samatabixin kara dalkan xaalada adag soo maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -