Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia oo la kulmay Dr. Saâd-Eddine El Othmani (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Madaxa Xukuumadda Morocco Dr. Saâd-Eddine El-Othmani Magaalada Rabat, iyadoo ka qeyb ah booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo Boqortooyada Morocco.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dadaalka wadajirka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Morocco ay uga dhabaynayaan xoojinta xiriirka laba geesoodka, ballaarinta iskaashiga iyo isku duwidda arrimo kala duwan oo ka guul keenaya waxyaabo wanaag iyo nacfi u ah labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Wasiir Cawad iyo wafdigiisa oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Marooco ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -