Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta ansixiyay xeerar kala duwan (Sawirro)

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyay xeerar kala duwan ee soo diyaariyeen wasaaradaha qaar.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib ayaa gollaha wasiirrada waxa ay ansixiyeen Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Shirkan ee yeesheen gollaha wasiirrada xukuumada xilgaarsiinta ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee yeeshaan tan iyo markii dalka uu yeeshay Madaxweyne rasmi ah oo loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Gollaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe shaqooyinkoodii waxaa saameyn ku yeeshay xilliga kala huurka gaar ahaan doorashooyinkii guddoonka golaha shacabka iyo tan Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Keyse Mayoow oo sheegay in Fatahaada Wabiyada keeneen midnimo iyo is Jaceyl

Cabdi Cade

Saddex Musharax oo ku tartamaya Kursigii ay ka geeriyootay Xil Aamiina Maxamed (Sawirro)

Cabdi Cade

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray ummadda Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---