Keyse Mayoow oo sheegay in Fatahaada Wabiyada keeneen midnimo iyo is Jaceyl

Iyadoo dhawaan Deegaano ka tirsan Goboladda Dalka haba ugu sii Darnaatee Magaaladda Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan ay ka  dhaceen Dhibaatooyin ay sababeen Fataahadda Wabiyada ee Shabeele iyo Jubba.

Markii ay dhacdey Dhibaatadaas ayaa shacabka Soomaaliyeed ha ku sugnaado Dalka Gudihiisa iyo dibadiisa waxay Bilaabeen in ay isku gurmadaan iyadoo taasi jirto ayaa Dalladda Waxbarashada ee SEFE oo ka mid ah Daladaha ugu waa weyn ee Dalka ayaa waxay Bilaabeysa in ay qayb ka noqoto Gurmadka loo sameynayo Dhbaatada ay keeneen  Fatahaada Wabiyadda.

Agaasimaha Fulinta ee Dallada SEFE Mudane Keyse Mayow Abuu Xuseen  yaa mar uu Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula hadlayey Bahda Warbaahinta ayaa ugu horeeyn ka tacsiyadeeyey Dhamaan dadkii Dhibaatada ka soo gaartey fatahaada Wabiyada gaar ahaan Magaalada Baled Weyne.

“Mahadcelin Balaaran waxaan  u jeedinayaa Dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ka  qayb qaatey u gurmashada dadkii ku waxyeeloobey Fataahadii Wabiyada, waxaana ii soo baxay in Gurmadkaan uu keeney  midnimo iyo Isjeceyl” ayuu yiri mudane Keyse  oo intaa raaciyey

“Gurmadkaan waxaa kale uu keeeney in Dadka Soomaaliyeed ay ka maarmeen gacan shisheeye sidaa darteed  is gacansiinta dhexdeena ah waa mid noo horseedeysa in aan isku tashano islamarkaana aan meel iska dhigno in aan ka maarano Kaalmo shisheeye oo aan ognahay mid timaada waqti aan loo baahneyn walibana naga dhex dhalisa in aan sii kala fogaano ”

Agaasimaha Fulinta ee Dalladda SAFE  waxaa uu sheegey in Dalladda ay qayb weyn qaadaneyso sidii lloogu gurman lahaa Bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Fatahaada Wabiyada isagoo u soo jeediyey Dhamaan Masuuliyiinta Dallada SAFE, Macalimiinta, Shaqaalaha, Waalidiinta iyo Ardeyda in ay u diyaar garoobaan sidoo loo caawin lahaa walaalahooda dhibaatada ka soo gaartey Fatahaada Wabiyada, sidoo kale wuxuu u soo jeediyey ummadda  Soomaaliyeed in ku Tiirsaaadaan Ilaahooda iyo Dadkooda

Ugu dambeyn  Mudane Keyse waxaa uu sheegey  Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay la yiaadaan Qorshayaal looga hortagayo Fatahaadaha soo noqnoqdey  isagoo waliba ku taliyey in la Sameeyo Kooxo Gurmad ah oo mar waliba la socdo fatahaada Wabiyada si looga maarmo  in  Mar waliba la Magacaabo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -