Saddex Musharax oo ku tartamaya Kursigii ay ka geeriyootay Xil Aamiina Maxamed (Sawirro)

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa diiwaangeliyay saddex musharax oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay HOP135 oo horey ugu fadhisay ilaah ha u naxariisto Xildhibaan Aamina Maxamed oo lagu dilay qarax ka dhacay Baladweyne.

Kursigan dartiis dhiig badan u daatay ayaa guddiga doorashada waxa ay  u diiwaangeliyeen saddex musharax oo kala ah Mohamed Adan Daahir , Mohamed Nor Hussein  iyo Amran Hussein Isaq,  waxaana la filayaa doorashada kursigan in maanta la qabto.

Doorashada kursigan oo horey loogu asteeyay magaalada Balaedweyne ayaa loo soo wareejiyay magaalada Jowhar, waxaana kursigan oo sidoo kale ahaa qoondo dumar laga bedelay lagana dhigay mid furan oo u badan tahay in rag qaadan doonaan.

Kursigan oo saameyn gooni ah lahaa ayaa horey waxaa isugu soo sharaxday gabar la dhalatay Xildhibaanada la dilay ee Aamina, lamana oga in gabadhaasi in doorashada kursigan ay ka tanaasuishay iyo in kale  .

Sida aan wararka ku heleyno kursigan ayaa doorashadiisa laga dhigay mid xiran, waxaana kursiga Madaxda Hirshabelle u xireen lana rabaan nin dhallinyaro ah oo la sheegay in si gaar ah u wataan Cali Guudlaawe iyo Dabageed.

Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa wali ku harsan kursi kale oo isna dood badan ka taagan yahay uu hada ku fadhiyo wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, kursigaas ayaa isna la filayaa in doorashadiisa dhawwaan la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -