Sheekh Aadan Madoobe oo laga codsaday qeyb kamid ah Lacagihii Musharaxiinta laga qaaday (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaas oo Guddomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaarahan soo noq-noqday.
 
Guddiga abaaraha ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ka codsaday in qeyb ka mid ah loogu deeqo lacagihii musharaxiinta laga qaaday si wax loogu qabto dadka dhibaateysan.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in la tixgelin doono codsiga guddiga gurmadka abaaraha, waxa uuna guddiga kula dardaarmay in sida ugu wanaagsan uu Golaha Shacabka u la shaqeeyn doono Gudigga Abaaraha.
 
Musharaxiinta u taagneed doorashada Madaxweynaha Soomaaliya kaliya ayaa laga qaaday lacag ka badan Hal Milyan iyo Shan boqol oo kun oo dollar, waxaa sidoo kale musharaxiinta guddoonka golaha shacabka iyana laga qaaday lacag ku dhaw hal milyan oo dollar.
 
Lacagahan laga qaaday musharaxiinta Madaxweynaha iyo guddoonka golaha shacabka ayaan la cadeyn waxa laga qaban doono, waxaana lacagahaasi qaarkood lagu socodsiiyay doorashadii horey u dhacday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -