Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo yeeshay kulan arrimo badan looga arrinsaday (Sawirro)

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan ayaa labada Madaxweyne uga wada hadleen arrimo dhoor ah oo ay kamid yihiin xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta.

Waxaa sidoo kulankan dhax maray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo looga wada hadlay qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha oo la filayo in au dhacdo isbuuca soo socda.

Kulankan dhax maray Madaxweynaha xilka ka degaya iyo Madaxweynaha cusub ayaa noqonaya kii labaad oo yeeshaan, waxaana la filayaa in dhawwaan si rasmi ah xilka ugu kala wareegaan labada Madaxweyne.

- Advertisement -