Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Cabduqaadir Cali Muuse

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dil loo geestay nin kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilkaasi kadib howlgal degdeg ah sameeyay ciidamada ammaanka ee Galmudug.

Nin hubeesan oo lagu magacaabo Cabduqaadir Cali Muuse ayaa xalay xaafada Waabari ee degmada Caabudwaaq ku dilay  Nin lagu Magacaabi jiray Bare Cali Maax, dilkan ayaana wali la sheegin waxa uu salka ku hayay.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Caabudwaaq ayaa dilka kadib sameeyay howlgal, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha dilka geestay xilli uu isku dayay in uu baxsado.

Sargaal katirsan ciidamada ka howlgala degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilka geestay, waxa uuna xusay in ninkaasi la horgeyn doono caddaalada si loo marsiiyo ciqaabta dilka uu geestay.

Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa kusoo badanaya dilal salka ku haya aanooyin qabiil oo u dhaxeeya dadka wada degmadaasi iyo deegaanada hoostaga,waxaana dhawwaan Caabudwaaq la geeyay ciidamo badan si ay wax uga qabtaan dilalka kusoo badanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -