Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Badda DF & kuwa EU oo dhoolatus sameeyey (Sawirro)

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo Hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations) ayaa si wada jir ah u sameeyey dhoolatus ciidan oo ka dhacay badweynta India.

Ciidamada ayaa wadajir u sameeyey layliga loo soo gaabiyo (VBSS) oo ku saabsan sida fatashaadda iyo fuulista Maraakiibta laga shakiyay ama kuwa ku lugta leh arrimaha Sharci darada ah ee ku xad gudba biyaha Soomaaliya

Dhoola-tuskan ciidanka badda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo maareyn lahaa qaab xirfadeysan ee ay cidanka ilaalada Xeebaha ku fuuli karaan Maraakiibta laga shakiyo.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sheegay in tababarkan oo kale ay horey u soo siiyeen ciidamada PMPF ee Puntland iyo kuwa dowlada Jabuuti.

Related posts

Booliiska Somaliland oo toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo saakay lasoo dhoobay Muqdisho iyo Wadooyin badan oo la xiray

Cabdi Cade

DEG DEG: Trump oo ka badbaaday isku day dil (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---