Akoonada been abuurka ah oo saamayn ku yeeshay iibka shirkadda Twitter-ka

Mulkiilaha guud ee shirkadda Tesla, Elon Musk ayaa sheegay inaanu hore u sii wadi doonin heshiiska uu ku iibsanayo shirkadda Twitter-ka illaa ay masuuliyiinta shirkaddaasi soo bandhigayaan caddaymo muujinaya in xaddiga isticmaalayaasha been abuurka ah ama Twitter fake or spam account, inay ka yar yihiin illaa 5%. Elon Musk ayaa hadalkan ka sheegay isaga oo u jawaabayey mid ka mida dadka isticmaala Twitterka.

Madaxa shirkadda Twitter-ka Parag Agrawal ayaa sheegay in shirkaddiisu ay dedaal badan ku bixiso sidii ay ula dagaalami lahayd shakhsiyaadka samaysta akawnada (accounts) been abuurka ah, isaga oo ku qiyaasay in isticmaalayaasha samaysta akawanada (accounts) been abuurka ah ama Fake users inay gaadhayaan in ka yar 5%.

Hase ahaatee Elon Musk ayaa isagu bartiisa Twitter-ka ku qoray in akawnada been abuurka ah ee shirkadda Twitter-ku inay gaadhayaan illaa 20% oo ka mida 229-ka million ee qof ee isticmaala shirkaddan, taas oo afar laab ka badan qiyaasta ay bixinayaan maamulka sare ee shirkadda Twitterku.

Elon Musk ayaa sheegay in maamulaha guud ee shirkadda Twitterku inuu ka gaabsaday inuu soo bandhigo caddaymo muujinaya in 5% wax ka yari ay yihiin tirada akawnada been abuurka ah ee ka diiwaangashan shirkadda.

Elon Musk ayaa yidhi, illaa arrintan laga caddeeyo, hore looguma socon karo heshiiska. Shirkadda Twitterka oo arrintan la weydiiyey ayaase iyadu ka gaabsatay inay wax faallo ah ka bixiso.

Elon Musk ayaase weli sheegaya inuu diyaar u yahay inuu bixiyo lacagta gaadhaysa $44 billion ee dollar ee uu ku iibsanayo shirkadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -