Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo ka dhacay Caasimadda Koonfur Galbeed

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa milatariga Soomaaliya ayaa galabta ilaa caawa ka socday magaalada Baraawe oo caasimad u ah maamulka madaxweyne Laftagareen.

Sida aan wararka u helnay dagaalka labada ciidan u dhaxeeya ayaa ka bilowday dil askari katirsan ciidanka milatariga loogu geestay Baraawe, waxaa sidoo kale ciidanka horey isugu hayeen gacan ku heynta magaalada Baraawe.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay qeybo kamid ah magaalada Baraawe uu ka dhacay dagaal culus oo saacado badan socday, waxaana goobaha lagu dagaalamayay ahaayeen dhul dad badan oo shacab ah kunoolaayeen.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Baraawe, waxaana dadka waxyeelada kasoo gaartay ku jira dad shacab ah oo ku sugnaa aaga lagu dagaalamay.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalka dhiiga ku daatay ee ka dhacay magaalada Baraawe , waxaana wali magaalada Baraawe laga maqlayaa rasaas ay is dhaafsanayaan labada ciidan ee dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan laga guuleystay oo burburiyey Ceelal uu olole doorasho ku galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalalka ay u dhasheen Dadkii ku dhintay Diyaarada Ethiopian Airlines oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo shaaciyay xiliga lasoo gaba gabeenayo Howlgalka ka socday Gobolka Tigrey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---