Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkish Airlines oo si KMG ah u joojisay duulimaadka garoonka Aadan cadde (Sababta)

Shirkadda dayuuradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay iney si KMG ah u joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay garoonka Aadan cadde.

Arrintan ayaa waxaa lagu shaaciyey qoraal kooban oo ay soo saartay Shirkadda, waxaana joojinta safarada la ogeysiiyey dhamaan macaamiisha Shirkada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in sababta talaabadan keentay ay tahay shidaalka dayuuradaha oo ka go’ay garoonka aadan Cadde.

“Waxaan Idinla socodsiineynaa in la hakiyay Duullimaadkii Turkish Airlines ee ka imaanayay Istanbul Mugdishu Istanbul 19-May, 21-May, 23-May, 25-May & 28 May 2022 sababo Shidaalka diyaaradaha oo ka sii yaraanaya Garoonka Diyaaradaha Mugdishu” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA SHIRKADA OO ENGLISH KU QORAN

 

Related posts

Ciidamadii ka gadooday Sh/dhexe “Ciidan qabiil Mise kuwo Qaran” (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo war kasoo saartay weerarkii Askarta badan lagu laayay

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo la sheegay in ay u badan yihiin NISA iyo taageerayaasha Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---