Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa la sheegay iney labo qof dil iyo dhaawac ugu geysteen agagaarka xarunta Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Labada qof ee dilka iyo dhaawaca loo geystay oo wada socday ayaa la sheegay iney kala yihiin nin oday ah iyo qof la socday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo bastoolado ku hubeysnaa ay wateen mooto bajaaj ay ku baxsadeen weerarka ka dib.

Ninka odayga ah ee la dilay ayaa goobta ku naf baxay, halka qofka la socday oo dhaawacna loola cararay goobaha Caafimaadka.

Lama oga weli sababta labadan qof dilka iyo dhaawaca loogu geystay iyo waxa ay ahaayeen, iyadoo dilalka noocan ah ay mar kasta joogto ka yihiin magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ardayad aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH oo lagu baaqay in xukun dil ah lagu fuliyo

Caydiid Ali

Suuriya oo yeelatay Wasiirro cusub oo ay ku jirto haweeney Kirishtan ah

Cabdi Cade

Haween dibed-bax cabasho dhigayey oo fal yaab leh ku kacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---