Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirada dalalka Qatar iyo Sacuudiga (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku mashquulsan qaabilida iyo la kulanka safiirada wadamada caalamka qaarkood u fadhiya Soomaaliya iyo madax kala duwan.

Xasan Sheekh ayaa saakay la kulmay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem , safiirka ayaana Madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu doorashada ka gaaray.

Safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ayaa u sheegay in dowladdiisa ku faraxsan tahay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna ballanqaaday safiirka in ay sii xoojinayaan wada shaqeynta dowladda cusub iyo taageerada ay siiyaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad, safiirka ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan doorashadiisa.

Safiirka ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  soo gaarsiiyay dhambaallo hambalyo ah uu ka siday Boqorka iyo Amiirka Sacuudiga, waxa uuna sheegay safiirka in Sacuudiga diyaar u tahay la shaqeynta iyo taageerada dowladda cusub.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wali soo gaaraya dhambaallo hambalyo ah oo uga imaanaya qaar kamid ah wadamada caalamka gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -