Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Arrin Muhiim ah looga hadlay oo dhax maray Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe (Sawirro)

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) .

Kulankan dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ahaa mid ay uga wadatashanaayaan xilligaan kala guurka ah ee dalku ku jiro tallaabooyinka laga maarmaanka ah in ay qaadaan.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa isla gartay in la dedejiyo munaasabada xil wareejinta si loo guda galo qabashada shaqooyin badan oo hakad ku jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada kulamo wadatashi ah uu la qaadanayo masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxa uuna Madaxweynaha doonayaa in uu dhiso dowlad furan si dalka looga samata bixiyo xaaladaha uu ku jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta kuraas berri lagu dooranayo Dhuusamareeb oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Dad ka badan boqol qof oo dhintay xili ay ku sii jeedeen Qaarada Yurub

Caydiid Ali

Diyaarado Dagaal oo duqeeyay magaalada Saakow iyo Khasaaro ka dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---