Rooble oo Xassan Shiikh uga digay arrin halis ah oo uu Farmaajo ku fashilmay

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble oo kaalin weyn ku lahaa isbadalka ku dhacay hoggaaminta dalka ayaa uga digay Madaxweynaha cusub arrin uu horey ugu fashilmay Madaxweynihii isaga ka horeeyay.

Rooble ayaana uga digay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladdiisa yeelato milkiile ama shaqsi awoodda dowladda sida uu doono ka yeesho una yeeriyo waxa uu rabo Madaxweynaha talada haya.

Waxa uu u sheegay Ra’isul Wasaare Rooble madaxweynaha cusub in aysan jirin shaqsi keensaday balse Soomaali dooratay, waxa uuna ugu baaqay in uu noqdo mid go’aan leh oo ka digtoonaada milkiile in talada dalka gacanta u gasho.

”Waxa aan kula talinayaa oo Shacabka ay jecel yihiin ay tahay, Milkiile ka ilaali dalkaan, adigaa ka mas’uul ah, waan kuu sheegayaa nin ku keensaday ma jiro, Soomaali adiga ayay ku dooratay, Dadkii Soomaalidu soo dooratay ee ah Xildhibaannadaas ayaa ku doortay, Xildhibaankii ugu yaraan 60 ama 70 kun ayaa soo dooratay oo uu metalaa, Walaalow Xasanow waddooyinkii Soomaaliya ay ku duntay waxaa kamid ah Milkiile, go’aanka adiga qaado & Ra’iisul Wasaarahaaga & inta mas’uuliyadda markaas kula heysa, cid kale haku aaminin” ayuu yiri Rooble

Talada dowladii hore uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in gacanta ugu jirtay Milkiile Fahad Yaasiin taa oo fashilisay siyaasadii hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo oo ahaa Shaqsi markii hore dadku aad u jeclaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -