Shir Deg deg ah oo Hotelka Jaziira uga socda Musharaxiinta iyo Walaac cusub oo…

Waxaa xiligan shir deg deg ah Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho uga socdaa qaar kamid ah midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana shirkan yahay mid ay uga arinsanayaan xaalado cusub oo soo kordhay.

Shirkan u furmay qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa looga arinsanayaa doorashada Aqalka Sare ee ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah iyo sidii looga hortagi lahaa in musuq maasuq lagu sameeyo doorashada Aqalka Hoose.

Qaar badan oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay Senatarada lagu doortay Afar kamid ah maamul goboleedyada, waxaana Musharaxiintan hada lasoo daristay walaac cusub ay ka qabaan in doorashada musuqa hada bilowday oo kale kusii socoto.

Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa Senataro ka dhigay xubno aad ugu dhaw dhaw iyo xubno kale oo looga soo dhiibay Villa Soomaaliya iyo meelo kale, waxaana meesha ka baxday in loo tartamo kuraasta Aqalka Sare.

Musharaxiinta ayaana hada ka wal walsan in xaal farahooda ka baxayo hadii doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose loo maamulo sida mida Aqalka Sare ee hadaba ku bilaabatay musuq maasuqa, waxaana la filayaa in shirkooda go’aano kasoo saaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -