Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin hubeesan oo Miino aasayay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay saqdii Dhaxe xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid ku dilay nin hubeesan oo qeyb ka ahaa sadex nin oo miino ku aaseesay xaafada Suuq Bacaad.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid C/llaahi Shiilow ayaa sheegay in ciidamada amaanka xalay saqdii Dhaxe ka warheleen sadex nin hubeesan oo miino ku aaseesay xaafada Suuq Bacaad.

Shiilow ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo isku dayay in ay soo qabtaan raga miinada aasayay iska hor imaad kala kulmeen, waxa uuna sheegay in goobtaasi lagu dilay mid kamid ah sadexdii nin ee hubeesnaa ee goobtaasi miinada ku aaseesay.

Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada degmada Yaqshiid ayaa sheegay in laamaha amaanka ku daba jiraan labada nin kale ee ka baxsaday , waxa uuna sheegay in degmada Yaqshiid ka socdaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

Qaraxyada miino ee lagu aaso wadooyinka magaalada Muqdisho ayaana mudooyinkan dambe soo badanayay, waxaana qaraxii ugu dambeeyay oo miino xalay ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo sameeyay ballanqaad ay Soomaalida ku farxeen

Cabdi Cade

Deni oo caawa ku dhawaaqay go’aan taariikhi ah, kana tanaasulay qorshihiisa doorashada

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo la kulmay Mukhtaar Roobow (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---