Madax iyo Saraakiil badan oo katirsan Ahlu Sunna oo la amray in lasoo xiro (Magacyada +Sawirro)

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta maamulka Galmudug ayaa caawa baahiyay magacyada iyo sawirada madax iyo saraakiil katirsan kooxda Ahlu Sunna oo ka kooban 32-xubnood, kuwaa uu baadigoobayo booliiska.

Booliiska Galmudug ayaana sheegay in baxsad yihiin Madaxa kooxda Ahlu Sunna Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale oo isugu jiira saraakiil iyo shacab oo katirsan kooxda Ahlu Sunna ee ka dagaalanta qeybo kamid ah Galgaduud.

Xubnahan katirsan Ahlu Sunna ee la baahiyay magacyadooda ayaa waxaa ku jira saraakiil sar sare oo katirsanaa ciidanka Soomaaliya gaar ahaan qeybaha Milatariga, booliiska iyo Nabad Sugida, kuwaa oo u badnaa kuwii horey Ahlu Sunna uga soo galay ciidanka.

Booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Galmudug ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay kusoo wargaliyaan xogta xubnahan baxsadka ah ee la baadigoobayo haddii ay arkaan.

Baadigoobka loogu jiro xubnahan katirsan Ahlu Sunna ayaa imaanaya xilli maalmo kahor Ahlu Sunna dagaalyahano katirsan weerar culus ku qaadeen magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -