Midowga Afrika oo taageero u muujiyey Xassan Shiikh, labo arrina ku amaanay Farmaajo

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha cusub ee Somalia.

Guddoomiyuhu ayaa ku amaanay madaxweynaha xilka ka dagaya Maxamed C/llaahi Farmaajo shaqadi wanaagsaneyd ee uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay iyo sida uu u aqbalay natiijada doorashada.

Wuxuu si gaar ah u ammaanay dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan xubnaha baarlamaanka ee soo bandhigay doorasho hufan, ciidamada amniga Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS ) ee sugayey amniga nidaamka doorashada oo dhan.

Gudoomiyuhu wuxuu ku celceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Afrika la garab taagan yahay Somalia isagoo hogaanka cusub ee DF ugu baaqay iney xoojiyaan dimoqraadiyada, dib-u-heshiisiin qaran nabadda iyo xasilloonida dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -