Muuse Biixi oo maanta booqday ciidamada Somaliland ee jooga Tukaraq (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqday magaalada Laascaanood isago markii dambe uga sii gudbay deegaanka Tuka-raq oo ay dhawaan ka dhaceen dagaalo u dhexeeya ciidamada Somaliland & Puntland.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, Max’uud Warsame Jaamac  ayaa sheegay in madaxweynaha uu ugu baaqay dadka ku nool degaanka Tukaraq iyo ciidammada halkaasi joogaba inay nabadda ka shaqeeyaan ayna iska foggeyaan tallaabo kasto oo dagaal sababi kara.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo isu socodka iyo wada noolaanshaha bulshooyinka wada dego halkaasi.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay Laascaanood ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Ciidamada Somaliland & kuwo Puntland oo horey Degaanka Tukaraq ugu dagaalamay dhowr jeer ayaa weli halkaas isku hor fadhiya, waxaana degaankaas mudooyinkanba ka taagnaa colaad u dhexeysa labada dhinnac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -