Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare la dilay 59-sano kahor oo Iligtiisa dib loogu soo celinayo qoyskiisa !!

Qoyska geesigii madax bannaanida ee dalka Congo Patrice Lumumba ayaa soo dhoweeyay go`aanka ay maxkamad ugu xukmisay in iligtiisa dib loogu soo celiyo qoyskiisa kadib codsi ay direen.

Wiil uu adeer u yahay Mr Lumumba oo lagu magacaabo Jean Jacques Lumumba ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid hore loo qaaday.

“[Lumumba] waa geesi aynaan duugin, go`aanka [maxkamadda Biljamka] waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday in runta lagu ogaado …waxay horseedi doontaa in halkaas lagu gaaro, ” ayuu yiri Mr Jacques.

Wuxuu sheegay in labo nin oo lala dilay Mr Lumumba, kuwaas oo kala ah Joseph Okito iyo Maurice Mpolo, “ay sidoo kale yihiin geesiyaal u dhashay Congo” sidoo kalena ay tahay in la soo bandhigo sababta loo dilay.

Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa xukmisay in ilig lagala baxay meydka Mr Lumumba loo celiyo gabadhiisa Juliana – oo warqad u qortay boqorka Biljamka, iyadoo codsaneysa in iliggaas la soo celiyo.

Mr Lumumba, oo noqday ra`iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Congo kaddib markii ay xornimada ka qaadatay Biljamka sanadkii 1960, ayaa la dilay 1961 kaddib markii ay afduubteen dagaal yahanno goonni u goosato ahaa.

Dowladda Biljamka ayaa qeyb ka ahayd dilkiisa, sanadkii 2002 ayay raallligelin rasmi ah ka bixisay.

Basaasiin Ingiriiska iyo Mareykanka u dhashay ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen.

Iligta Lumumba ayaa loo maleynayaa inuu qaatay sarkaal boolis ah oo ka qeyb qaadanayay in la baabi`iyo ama la qariyo meydka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Dowladda oo ku dheelmaday xaafada Dabdamiska ee Muqdisho

Cabdi Cade

Ciyaaryahan Caan ahaa oo toogasho lagu dilay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo sheegay iney duqeyn ku dileen 15 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---