Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Muxuu Farmaajo ka yiri doorashadii looga guuleystay ee ka dhacday Muqdisho?

Madaxweynaha Xafiiska jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey walaalkiis Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, kana yeelo mid sii amba-qaada horumarka baaxadda leh ee uu ku tallaabsaday dalku.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed iyo dhabar adaygga ay muujiyeen inta ay socotay doorashadu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah halganka ay u galeen sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyagoo habeen iyo maalinba u taagan difaaca sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee uu hoggaaminayey, isagoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Related posts

Maamulka Dekadda Boosaaso oo laga wareejiyay Shirkadda P&O iyo Deni oo ka hadlay

Cabdi Cade

 Odayaal iyo Haween Xildhibaano doortay oo cafis loo fidiyay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo qaadeysa talaabooyin kadib fashilka ku yimid shirkii Afisiyooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---