Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo gaaray Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee xakay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynaha JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

- Advertisement -