RW Rooble oo ka hadlay Madaxweyaha cusub ee loo doortay Somalia

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somalia Xassan Shiikh Max’uud

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayaa ku bilowday sidatan hoose.

——————————————————–

Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu maanta doortay BFS labadiisa aqal.

Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd.

Maanta oo ku astaysan 15-ka May, Maalinta dhallinyarada iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed, waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla.

Soomaaliya ha noolaato.

- Advertisement -