Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin gaaray Teendhada Afisiyooni iyo Doorashada oo goordhaw bilaabaneysa (Sawirro)

Waxaa goordhaw lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana doorashada ku tartamaya musharaxiin badan oo hami ka leh qabashada xilka Madaxweynaha.

Teendhada Afisiyooni ee doorashada ka dhaceyso waxaa gaaray qaar badan oo kamid ah xildhibaanada labada Aqal ee dooranaya Madaxweynaha, waxaa sidoo kale teendhada ku sugan masuuliyiin kala duwan iyo wakiillo ka socda beesha Caalamka.

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gaaray teendhada Afidsiyooni, waxaana wali teendhada gaarin oo la sugayaa inyana Musharaxiin kale ay ku jiraan kuwa ugu saameynta badan .

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta dhaceysa ayaan wali la saadaalin karin musharaxa kusoo bixi doona, waxaana saacadihii ugu dambeeyay musharaxiinta wadeen olole xooggan oo lagu kasbanayay xildhibaanada.

Related posts

Maxaa dhici doono ka dib ku dhawaaqista xukunka badda ee Maxkamada ICJ?

Caydiid Ali

Baaq cajiib ah oo loo diray siyaasiyiinta iyo dadka kale ee lacagaha ka xada Kenya

Cabdi Cade

Prof. Saciid Ciise: “Madaxweyne Galbataye ILAAHAY garabkaaga ha galo”

Caydiid Ali