Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay heshiiska dhax maray Dowlada iyo Cabdirashiid Janan

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay heshiis ay wada gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo in mudo ah dagaal kula jiray dowlada .

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in ay ka warhayaan heshiiska dhax maray dowlada federaalka iyo Cabdirashiid Janan, waxa uuna sheegay in Janan uu hada yahay shaqsi ka tagay oon waxba ka badaleyn maamulka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in mowqifka Cabdirashiid Janan qaatay ugana goostay maamulkooda uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn maamulkooda, waxa uuna tilmaamay in gobolka Gedo xaalkeeda waxba iska bedelin ayna ciidamada joogaan halkoodii.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaana wax lala yaabo ku tilmaamay in dowlada federaalka ay mar dambiile ku tilmaanto Cabdirashiid Janan ayna xirto halka shalayna wasiiro u dirtay si ay usoo dhaweeyaan.

Maamulka Jubbaland ayaana xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo heshiis la galay dowlada federaalka kuna wareejiyay ciidamadii uu ku heestay duleedka Baled Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Muslim ah oo Dacwad ka gudbiyay Macbad la sheegay in loogu gefay Diinta Islaamka

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii 3aad ee ka dhacay Baladweyne & xaalada oo kacsan

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo Nolosha ku qabtay rag Ahlu Sunna u dagaalamayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---