Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska oo wax ka bedelay bandowgii lagu soo rogay Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqangalayo Bandowga lagu soo rogay Muqdisho, dadweynuhuna ay adeegan karaan Caawa illaa 1:00am.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in iyadoo loo damqanayo Bulshada la kordhiyay saacadda si howlahooda muhiimka ah u dhameystaan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaannada heysta ID card Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha Caafimaad ee dagdegga ah u baahan kadib marka ay hubiyaan Ciidamada amniga.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Magaalada Muqdisho waxaa beri ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia hogaamin doona afarta sano ee soo socota taasoo ay u taagan yihiin ku dhowaad afartan musharax.

Related posts

Bandowgii Muqdisho oo isbadal lagu sameeyay iyo Taliye booliis oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Weeraro lagu hayo Masaajidada iyo xarumaha ay leeyihiin muslimiinta dalka….

Cabdi Cade

Mareykanka & DF oo War cusub ka soo saaray wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab

Caydiid Ali