Wararka ka imaanaya gobolka Siti oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay 11-qof oo Soomaali ah halka tiro kalana lagu dhaawacay.
Maleeshiyaad kasoo jeeda qowmiyada canfarta ayaa la sheegay in dadkaasi Soomaalida ah dileen, waxaana dilkan la sheegay in uu salka ku hayo muran dhinaca dhulka ah oo u dhaxeeyay Soomaali iyo Canfar.
Wasiirka warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Mawliid ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay weerarkan lagu dilay dadka Soomaaliyeed ee ka dhacay gobolka Siti.
Waxa uu sheegay Wasiirka in ay socdaan baaritaano ku aadan sababta keentay in dadkaasi Soomaaliyeed la laayo, waxa uuna xusay in ay wadaan dadaalo looga hortago in aargoosi iyo rabshado kale dhacaan.
“Xukuumadda deegaanka iyo maamulka gobolkaba iyo dawladda faderaalka ahba masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta shacabka, waxaana ka shaqaynaynaa in arrintan oo kale aysan soo noqon” ayuu Wasiirka Warfaafinta .
Qowmiyadaha kunool dalka Itoobiya ee qeybta ka tahay Soomaalida ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka dhax dhacayay rabshado iyo dagaalo inta badan alka ku hayay is qab qabsi dhul la xiriiray.