Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ciidan & Gabdho uu awoowe u ahaa oo ku dhintay qarax Kismaayo ka dhacay

Wararka laga helayo caawa magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Taliye kuxigeenkii Gutada 11 qaybta 43 xaad ee cidanka xoogga dalka  Ismaaciil Sheeq Isaaq  uu ku geriyooday Qarax miino oo gurigiisa ka dhacay.

Sarkaalka ayay wararku sheegayaan iney la geeriyoodeen labo gabdhood oo uu awoowe u ahaa, Waxaa sidoo kale dhaawacmay 3 qof oo guriga kula sugnaa.

Lama cadeynin nooca uu ahaa qaraxa lagu dilay Taliye kuxigeenkii Gutada 11 qaybta 43 xaad ee cidanka xoogga dalka  Ismaaciil Sheeq Isaaq  iyo gabdhaha uu awoowaha u ahaa.

Ciidamada Amaanka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa gaaray guriga uu qaraxu ka dhacay halkaasoo ay ka wadaan baaritaano.

Related posts

Meydadka dad ka badan 40-qof oo laga dhax helay Gaari gudaha Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay Qaraxyo lagu laayay arday badan

Cabdi Cade