Allbanaadir.com
NEWS

Madaxa Sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo lagu raadinayo Sadex Milyan oo Dollar

Dowlada Mareykanka ayaa baadi goob xoogan ugu jirta sargaal sare oo katirasn kooxda Al Shabaab, waxa ayna Mareykanka madaxa sargaalkan dul dhigtay Malaayiin dollar oo la siinayo cida xogtiisa oo buuxda keenta.

Axmed Iman Cali oo katirsan saraakiisha sare ee kooxda Al Shabaab sidoo kale ah hogaamiyaha Garabka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Kenya ayaa dowlada Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay Sadex Milyan oo Dollar.

War kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in sargaalkan uu abaabulay weeraro ka dhacay gudaha Somalia iyo Kenya, waxa ayna dowlada Mareykanka balan qaaday in 3 Milyan Dollar siin doonto cidii keenta xog ninkan lagu dili karo ama lagu qaban karo.

Mareykanka ayaa sheegay in sargaalkan uu madax u yahay Ururka Al Hijra oo la sheegay in uu katirsan yahay Al Shabaab, waxaana Mareykanka Axmed Iimaan ku tilmaameen nin khatar ku ah qaadarada Afrika.

Hogaamiyahan katirsan Al Shabaab kana soo jeeda dalka Kenya ayaa horey waxaa madaxiisa lacago badan u dul dhigtay dowlada Kenya, waxaana Sargaalkan lagu eedeeyay in uu qorsheeyay weeraro badan oo ka dhacay gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Munich

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo Dhuusomareeb ku xiray Masuul katirsanaa Kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay howlgalo qorsheysan lagu dilay 100 ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---