Qalbi-dhagax:”Kooxda Farmaajo waxay isku dayeen iney joojiyaan safarkeyga Muqdisho

Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo horey u ahaa sarkaal ka tirsanaa ayaa faahfaahin ka bixiyey safarkiisii Muqdisho iyo waxyaabihii uu la kulmay

Qalbi dhagax ayaa sanadkii 2018-kii waxaa dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay xukuumaddii Ethiopia ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in lagu soo dhoweeyo halkii lagu dulmiyey.

Waxaa uu sheegay in Farmaajo iyo kooxdiisu ay dhaqaaqeen isku ay ka hor istaagi rabeen safarkiisa magaalada Muqdisho, balse aysan u suuragalin.

Khamiistii la soo dhaafay ayaan qorsheeyey inaan imaado Muqdisho, balse waxaan ka war gelay in dayuuradaha loogu hanjabay in tii soo qaada rukhsada ay kala noqa doonto dowladda Somalia ka dibna safarkeygii waxaan u weeciyey Kismaayo” ayuu yiri Qalbi dhagax.

Waxaa uu intaas ku daray shaaciyey in kooxda Farmaajo ay is hortaageen in dayuurado ay aadaan magaalada Kismaayo, balse uu Muqdisho ku yimid dadaal uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa uu sheegay inuu ka qeyb geli doono doorashada Madaxweynaha ee beri dhaceysa isagoo ah xubin sharafeed balse uusan wax hadal ah ka jeedin doonin halkaas

“Waxaan ku faraxsanahay in la igu raali geliyey halkii la igu dulmiyey ee qasabka la iiga kaxeeyey cadowgana la iigu gacan geliyey” ayuu yiri Qalbi dhagax oo u mahad celiyey RW Rooble iyo intii ka dhiidhiisay dembigii laga galay.

- Advertisement -